Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qayb galay qado-sharaf Qaran oo uu u sameeyey dhiggiisa dalka Israa’iil, Madaxweyne Isaac Herzog.
Kulankan muhiimka ah oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Israa’iil ee magaalada Jeruusaalem, ayaa qayb ka ah booqashada rasmiga ah ee weftiga Somaliland ku joogaan dalkaas.
Labada hoggaamiye ayaa yeeshay wada-hadallo dhaxal-gal ah oo salka u dhigaya weji cusub oo dhex mara labada dawladood, iyadoo kulankaas lagu gorfeeyey arrimo khuseeya amniga, dhaqaalaha, iyo iskaashiga istiraatiijiga ah.
Xiriirka Sii Xoogaysanaya ee Labada Dal
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo qoraal rasmi ah ka soo saaray kulankan ayaa sheegay in tan iyo markii ay bilaabatay booqashadan taariikhiga ah, wada-hadallada labada dhinac ay ka tarjumayeen xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil.
“Maantana, xidhiidhkaasi waxa uu qaadayaa tallaabo kale oo muhiim ah, annaga oo ka wada shaqaynayna dhismaha mustaqbal ku salaysan iskaashi, wax-wada-qabsi iyo fursado wadaag ah oo u adeegaya danaha iyo horumarka labada shacab,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Mahadnaq iyo Maamuus Sare.
Madaxweynaha Somaliland ayaa si qoto dheer ugu mahadceliyey Madaxweynaha Israa’iil, Mudane Isaac Herzog. Wuxuu ku ammaanay soo-dhaweynta diirran, maamuuska sare leh, iyo marti-soorka heerka sarreeya ee loo fidiyey isaga iyo weftigiisa mudadii ay ku sugnaayeen dalkaas.
Booqashadan oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu hoggaamiye ka socda Somaliland ku tago dalka Israa’iil, ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo xoojinaysa guulaha dublamaasiyadeed ee Somaliland ka gaartay masraha caalamiga ah ka dib markii uu dalkaas si rasmi ah u aqoonsaday madaxbannaanida Somaliland.










