Madaxweyne Cirro oo Dib Ugu Soo Laabtay Hargeysa iyo Soo-dhoweyntii Ugu Weynayd oo Loo Sameeyey!

Israel Somali
June 25, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii balladhnaa ee uu hoggaaminayey ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa, ka dib booqasho rasmi ah oo taariikhi ah oo ay ku tageen dalka Israa’iil. Booqashadaas ayaa dhashay guul weyn oo dhanka dublamaasiyadda ah ka dib markii ay Israa’iil si rasmi ah u aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland, isla markaana laga furay safaaraddii ugu horreysay ee Yeruusaalem.

Shacabka caasimadda Hargeysa iyo mas’uuliyiin heersare ah ayaa si weyn u soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa, iyadoo fagaarayaasha iyo waddooyinka waaweyn lagu soo bandhigay dabbaaldeg iyo dareen farxadeed oo ku aaddan guushan taariikhiga ah ee u soo hoyatay qaranka.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *